Ciidamada Amaanka Puntland Oo Qabtay Agabyo Qaraxyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya howlgal ay qaadeen Ciidamada Amaanka, gaar ahaanna Birmadka madaxtooyada ayeey ka fuliyeen duleedka magaalada, waxeyna gacanta ku dhigeen keyd Walxaha qarxa Oo ay laheyd Kooxda argagixisada Shabaabka…

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalkaan ay qaadeen Ciidamada ayeey ku qabteen God keyd u ahaa Kooxda argagixisada Shababka, iyagoo qarxiyay minooyin iyo agab kale oo godkaasi ku jiray, sidoo kale waxaa tilmaamay in Ciidanku ay godkaas ka soo saareen tiro bambooyinka gacanta laga tuuro iyo agab kale, oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo Shabaab ku aastay godkaaas.

Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ayaa sare u qaaday hawlgalada ay ka wadeen magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda ku dhow halkaas oo ay ku dhuuntaan Kooxaha argagixisada Shabaab iyo Daacish.

114410cookie-checkCiidamada Amaanka Puntland Oo Qabtay Agabyo Qaraxyo