Kooxda Argagixisada Shababka oo soo Bandhigay Boqolal Naftood-Haligayaal ah…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in Horgalada Warfaafinta ay baahiyeen Muuqaalo Maleeshiyaad oo tababar loo xiray, kuwaasoo ay ku jiraan Boqolaal Naftood-haligayaal ah oo loo diyaariyay iney isku qarxiyaan Xarumaha Dowladda, Hoteelada iyo Fariisimada ATMIS..

Bandhigaan oo aan la sheegay halka lagu qabtay, balse waxaa loo maleynayaa in degaano ka tirsan Gobolka Jubada dhexe, iyadoo ay ka soo muuqdeen Horjoogayaal uu ka mid yahay Hadal-hayeenka Kooxda, isagoo ku hanjabay iney weeraro ku qaadi doonaan Fariisimada Ciidamada Dowlada iyo kuwa ATMIS.

Dhoolatuskaan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ay qabtaan Kooxda Argagixisada Shababka, waxeyna soo bandhigeen Boqolaal Maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan kuwa is-qarxiya, Unugyadaan ayaa waxaa ka mid ah tiro Haween ah, iyadoo Kooxdu dagaalo ay la galeen Ciidamada Dowladda qasaare balaaran ay ka soo gaareen lagana qabsaday degaano badan kadib wajigii 1-aad ee Duulanka Dowlada, isla markaasna wajiga 2-aad uu dhawaan bilaaban doono.

263180cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka oo soo Bandhigay Boqolal Naftood-Haligayaal ah…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com