Puntland oo ku Eedeeysay Dowlada Federalka inay Gabtay Ma’suuliyaddii ka saarnayd Laas caanood..

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federalka iney ka gaabisay Ma’suuliyadii ka saarnayd joojinta colaada iyo Xasuuqa ka socda magaalada Laascaanood, iyadoo Hogaanka Dalka aanu u dhaqmin sidii laga filaayay…

Wuxuu sheegay in iyadoo dhiig ay Maamulka Muuse Biixi uu daadanayo ay Villa Somalia wada hadal la furto, una magacowdo Ergay, talabadaan ayuu ku fasiray mid aan xiligaan loo bahneynin, wuxuuna sheegay in “ Gardarro Garab ay noqtay Maamulka Hargeysa, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waana arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Mr.Deni ayaa sheegay Maamulka Gobolada Sool iyo Saamag bari (SSC) aysan ka mid ahayn Somaliland, islamarkaana aan qasab iyo xoog lagu maamuli karin, Wuxuu sidoo kale sheegay Magacaabista Ergayga ay tahay waqti lumis aan waxba ku soo kordhin dooni xaaladda taagan.

253660cookie-checkPuntland oo ku Eedeeysay Dowlada Federalka inay Gabtay Ma’suuliyaddii ka saarnayd Laas caanood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com