Qodob Awood-dhimaaya Farmaajo Ayaa Lagu Wadaa In Lagu Daro Heshiiska Doorashada

Somalia news

Kulanka Wada tashiga oo galay maalintii 2-aad ayaa dhinacyadaan uga doodayaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan Doorashada oo ay ugu horeyso Awood-dhimista Farmaajo iyo inuu yahay Musharax isla markaasna uu saxiixo warqad uu awooda Ciidamada iyo Maamulka ku wareejinaayo Wasiirka 1-aad…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay inuu si dardar leh ku socdo qorshe shirka lagu soo gabagabeynaayo todobaadkaan, (Isniinta ama talaabada) Iyadoo Arrimaha la isku hayo loo Xil saaray guddiyo ka soo shaqeeya isla markaasna soo cayima in doorashadu ku dhacdo muddo 3-4 Bilodd gudahood, inkastoo Wakiilada Beesha Caalamka ay ka biyo diideen Qorshahaan waxey sheegeen in wakhti 45-maalmood lagu qabto Doorashada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Heshiiskaan uu ku jiro Qodob qeexaaya in Farmaajo awooda wareejiyo, kaasoo ku saabsan inuu yahay Musharax islamarkaana uu xaq u laheyn inuu awooda sii heysto, inkastoo uusan Weli ku dhawaaqin inuu Musharax yahay wuxuuna diidan yahay inuu wareejiyo awooda Ciidamada iyo Maamulka.

Talaabadaan ayaa muhiim u ah in Heshiiska Doorashada isla markaasna ka Badbaado faragelin kaga timaada Farmaajo oo Weli ka caga jiidaaya inuu qoro Qoraalka iyadoo muddo laga dalbanaayay inuu saxiixo warqada ku saabsan inuu xadiido awoodiisa.

120380cookie-checkQodob Awood-dhimaaya Farmaajo Ayaa Lagu Wadaa In Lagu Daro Heshiiska Doorashada