Xasan Sheekh Oo Dib ugu Soo Laabtay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Safarka Madaxweynaha, iyadoo lagu wado inuu soo gabagabeeyay booqasho 3-maalmood ah oo uu ku joogay dalka Eritrea, ayaa Maanta uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Eritrea uu ku soo sagootiyay ay garoonka diyaaradaha Asmara…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay wada gaareen heshiis is afgarad oo ku qotomay xiriirka labada dal, iskaashiga, Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka, is dhex galka dhaqaale ee Geeska Afrika, sida lagu shaaciyay bogga Wasaaradda Warfaafinta Eritrea.

Inkastoo wafdiga la socday Madaxwrynaha ee Asmara tagay ay ahaayeen kuwo koobnaa, macluumaadkooda uu xadidnaa, ayna ku wehlin tiro yar oo Saraakiil NISA ah, marka laga reebo Ilaalo iyo Protocol kaliya, waxa kaliya ee safarka Madaxweynaha iyo booqashadiisa lagala socday Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel, talaabadaan oo tuhun weyn dhalineysa iyadoo ay soo baxaayaan Warar sheegaya in Eritreanku diidaan iney Wafdi badan Madaxweynaha soo raacaan.

200290cookie-checkXasan Sheekh Oo Dib ugu Soo Laabtay Magaalada Mogadishu