Xoogaga Somaliland oo wada Abaabulka Dagaal Rogaal celis ah ka wada Duleedka Laascanood

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa abaabul dagaal rogaal celis ah oo ay wadaan Saraakiisha Xoogaga Somaliland oo maanta oo jimce ah ka wadaan duleedka Degmada Laascaanood si ay dib ugu soo weeraraan magaalada…

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga Somaliland oo habeen ka hor laga saaray magaalada Laascaanood kadib dagaal culus oo dhexmaray iyaga iyo Xoogaga Hubeysan ee degaanka SSC, Xaaladda Laascaanood ayaa maanta degan waxaana gacanta ku haya Xoogaga SSC kuwaasoo sugaya Amniga shacabka.

Dhinaca kale dhammaan degmooyinka iyo degaannada SSC ayaa maanta waxa ka socda abaabulka muddaharaadyo waaweyn oo lagu dalbanayo in Somaliland isaga baxdo Gobolka Sool, sidoo kale warar ayaa xaqiijinaya in Xoogaga soo duulay iyo kuwa u dhashay Gobolka Sool uu hareeyay kala shaki baahsan.

235640cookie-checkXoogaga Somaliland oo wada Abaabulka Dagaal Rogaal celis ah ka wada Duleedka Laascanood