Maxaa ka Run ah Qorshaha Dowladda Federaalka ay Ciidamo ku Geyneyso Gobolka Gedo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Dowladda Federaalka ay gaartay go’aan ah iney Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Eritrea ay geyso Gobolka Gedo si ay ugu mid noqdaan Ciidamada huwanta ah oo loo xilsaaray iney xoreeyaan degaanada ay maamuulaan Kooxda Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Saakay lagu wado in Diyaarado lagu qaado Ciidamadaan lagana dejiyo magaalada Baardheere, Ciidamadaan ayaa tiradooda lagu qiyaasay 1500 oo askari, kuwaasoo loo dhameystiray hubkooda iyo Saanadooda, iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Dowkadda Federaalka safar ku tago Gobolka Gedo todobaadkaan si uu uga qeyb galo Shir ay yeelanayaan Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Mareexaan.

Dhanka kale Kooxda Shababka ayaa guulo ka sheegatay Dagaalkii 7-da Bishaan ka dhacay Tuulada Janaay Cabdalla, waxey sheegeen iney ku dileen 88-Askari oo isugu jira Kuwa maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Dowkadda Federaalka kana qabsatay Hub, Rasaas iyo Gaadiid dagaal.

245950cookie-checkMaxaa ka Run ah Qorshaha Dowladda Federaalka ay Ciidamo ku Geyneyso Gobolka Gedo