Degaanada Puntland Oo Dib u dhac ku Yimid Adkeynta Amniga & La Dagaalanka Mandooriyaha

Somalia news

Cabasho xoogan ayaa ka soo yeereysa dib u dhac ku yimid Adkeynta Amaanka iyo Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, waxeyna u muuqataa in hoos u dhacaasi ay sababtay Dayac baahsan ka gadaal markii Maamulka Dani uu ku maahquulay Dalxiis, Dano shaqsiyadeed iyo mid Siyaasadeed…

Warbixinada soo baxaaya ayaa tilmaamaya in Dembiyada abaabulan, dib isu abaabulida kooxaha Argagixisada, ka ganacsiga furan ee Mukhaadaraadka iyo habacsanaanta Maamulka Puntland ayaa Kaliftay in Culumaa’udiinka ay Masaajida kaga dhawaaqaan “Jihaad ka dhan ah Fuduqa ka taagan magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Qeylo dhaantaan ayaa ku soo beegmatay xili dilalka Qorsheysan ee labadaasi magaalo ay kordheen, iyadoo Dadka Dilalka geysanaaya ay u badan yihiin Kooxaha Cabtooy ah iyo kuwa Argagixisada, waxaana degaanadaasi aad hoose uga dhacay Xoojintii Amaanka iyo iyadoo aysan jirin dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Amaanka u xil saaran iyo cid kula xisaabtanta gaar ahaan Maamulka loo doortay Degaanadaasi.

249260cookie-checkDegaanada Puntland Oo Dib u dhac ku Yimid Adkeynta Amniga & La Dagaalanka Mandooriyaha