Unugyo Lagu Eedeeyay Argagixisada Oo Xukuno Adag Lagu Xukumay

Somalia news

Unugyo ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka oo ka howlgaleysa Magaalada Mogadishu ayaa la sheegay in Maxkamad Ciidan la soo taagan, kadib markii lagu Eedeeyay qaarkood iney Gacan siin jireen Kooxda argagixisada halka kuwo kale lagu Eedeeyay iney fulin jireen falal argagixiso..

Eedeysanayaasha la xakumay ayaa waxey ka koobnaayeen 6-xubnood oo ay ku jiraan Haweeney (Safiya Cali Guure) iyo Gabadheeda (Nasro Daa’uud Ismaaciil), oo lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin iney Hubka iyo bambooyinka ugu keydin jireen gurigooda, kuwaasoo degenaa degaanka Oodweyne Ee Duleedka Wasaarada Gaashandhigga.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale ku eedeysay Islaanta in Kooxda Shabaabka ay bishii ka bixin jireen 165 oo US$ kirada guriga Waxaana lagu Xukumay Dambiile Safiya 15-sano xariga ah halka Dambiile Nasro lagu riday xukun dhan 3-sano Xarig ah.

Unugyada La Xukumay:-

-Cabdulqaadir Abuukar Xasan oo ahaa abaabulaha Unugaan iyo Howkgalintooda ayaa lagu riday Xukun ah Madaa Ha ku furto (Xabsi Daa’uud).

-Cabdiqani Xasan Xaashi Horjooge qarsoon Ee Kooxda Shababka Gobolka Benadir Waxaa lagu Xukumay 15-Sano xarig ah

-Sakariye Xasan Yuusuf oo ka tirsanaa waaxda dilalka Ee Amniyaadka Kooxda Shababka Waxaa lagu xukumay 15-sano xarig ah.

-Maxamed Ciise Sh.Cumar oo lagu Eedeeyay inuu Bam gacmeed ku tuuray bar kontrool oo xoogaga Amaanka ku sugnaayeen ayaa lagu riday 15-sano xariga ah.

108920cookie-checkUnugyo Lagu Eedeeyay Argagixisada Oo Xukuno Adag Lagu Xukumay