Ma Dhabaa in Laftagareen uu dejiyay Qorshe Colaad Sokeeye & Qalalaase Amni ka Huriyo Konfur galbeed

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Maamulka Konfur galbeed & xubno ka tirsan Maamulkiisa oo kashaanaya Ciidamada & Sirdoonka Ethiopia ay qorsheysteen iney Qalalaasi Amni ka abuuraan Degaanada Maamulka qaarkood, xili uu sii dhamaanaayo Muddo xileedkiisa…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Laftageern oo muddo xileedkiisu dhamaanayo dabayaaqada Sanadkaan, ayaa dejiyay qorshe qalalaase Amni darro iyo dagaal beeleedyo laga bilaabi Gobolada Bay, Bakool & Shabeelada hoose, isagoo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha u diray Degmada Xudur, halka xubno kale uu u diray Gobolka Shabeelada hoose.

Ergadaan ayaa dhaqaale laga keenay Ethiopia u sii dhiibayay si Colaado sokeeye iyo qalalaasaha amni looga bilaabo degaanada kor ku xusan, Mr.Laftagareen ayaa sidoo kale dejiyay Qorshe xilalka looga xayuubinaayo dhamaan Mas’uuliyiinta Degmooyinka ee aan taageersaneyn Maamulkiisa.

Dhawaan ayaa markii uu tagay magaalada Addis abeba Mr.Laftagareen waxaa la sheegay in Dowlada Abiy ay ugu deeqday 5-Gaari oo Xamuul ah oo noocayada Rasaasta (Ak-47 & Bkm) u badan, waxaa sidoo kale tababar deg deg ah loo siiyay tiro Shaqaale Caafimaad.

211840cookie-checkMa Dhabaa in Laftagareen uu dejiyay Qorshe Colaad Sokeeye & Qalalaase Amni ka Huriyo Konfur galbeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com