Dagaal u Dhaxeeya Xoogaga Amaanka & Maleeshiyo Beeleed oo ka Dhacay Degaanka Ras Caseyr…

Somalia news

Warar naga soo gaaraya Degaanka Ras caeysr ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Dadka ku nool halkaasi ay ku waabirsteen  dagaal u dhaxeeya Xoogaga Amaanka & Makeeshiyo Degaanka kaasoo geystay khasaare Dhaawacyo u badan oo soo kala gaaray labada Dhinac…

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiya-beeleed ka soo jeeda Degaanka Hursale ay weerar ku qaadeen Saldhigga Boliiska, kaasoo sababay khasaare dhaawacyo ah oo labada dhinac ah, Goob-joogayaal ku sugan Degmada Caluula ayaa laga soo xigtay in iska hor-imaadkaasi ka dhashay muran la xiriira sida loo qaybsanayo hub dhawaan Boliisku degaanku gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha Maamulka Puntland ayaan ka hadlin iska horimaadkan maanta oo khamiis ah ka dhacay, balse Odayaasha Degaanka ayaa la sheegayaa iney ku baxeen sidii wax looga qaban lahaa dagaalkan halkaas ku dhaxmaray Xoogaga Amaanka  iyo Maleeshiyo beeleed Degaanka ah.

306870cookie-checkDagaal u Dhaxeeya Xoogaga Amaanka & Maleeshiyo Beeleed oo ka Dhacay Degaanka Ras Caseyr…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com