Viisaha Turkey Iyo Dhibatada Dhalinyarada

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Dhiibatada xoogan ee Dhalinyarada Soomaaliyeed ka heysta helitaanka Viisaha dalka Turkiga, iyadoo warar qaarkood ay sheegayaan in dalaaliil badan oo Soomaali iyo Turki ahi ay ka macaashaan kala iibsiga Viisaha ay bixiso Qunsuliyada Turkey uu ku leeyahay magaalada Muqdisho…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Visaha lagu kala iibsado 500 US$, kadibna markii ay gaaraan dalka Turkiga ay soo food saarto Nolol xumo adag Magaalada Tahriibka ee Istanbul. Dhalinyaradaan ayaa dadooda u dhaxeysaa 16 ilaa 30 Jir ma heystaan Hooyo ,Dalkii Gariiga ee loo Tahriibi jiray waa xirmay sidii hore maaha ma heystaan Shaqo iyo wali Hooy ay ku hooydaan.

Safarada Turkiga ee Soomaaliya door muhiim ay ku leedahay kala Iibsiga Viisaha waxaa kaloo ku jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan vDowlada Federaalka

Waxaa lagu dhameeyaa Dhowr Nooc Visaha

-waxbarasho taa oo sida muuqata intabadan visahaa helo waxba baran una sii Tahriibaan Dalka Giriiga

-Cafimaad Been Abuur ah oo laba Qof Viisaha lagu Qaadaayo Qofka jirada loo qoray iyo Qofka wadaayo

Hadaba maxaa la gudboon in Dowlada Federaalka in ay sameyso Baaritaan dhab ah Si xafiisyada loo Furtay Dadkana u soo saara Visooyinkana la maxkamadeeyo si loo badbaadiyo Dhalinyarada ku mustaqbal beelaaya inta u dhaxeysa Turkey iyo Griiga.

58040cookie-checkViisaha Turkey Iyo Dhibatada Dhalinyarada