Sidee Rooble u maareyn doonaa Damacyada is diidan ee Farmaajo & Madoobe? 

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Maxamed Xuseen Rooble ayaa wajahaya marxalad adag oo la xariirta maareynta doorashada 16 kursi oo yaalla magaalada Garbaharrey ee xarunta gobalka Gedo, ahna deegaan doorashada labaad ee Jubbaland…

Maamulka Jubbaland ee doorashada Kuraastaan u xilsaaran ayaa waxaa loolan adag ugu kala jira Farmaajo oo Beeshiisa kasoo jeeda Magaalada Garbahaarey iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Iyadoo jadwalka doorashada ay ka harsan tahay 6 berri oo kali ah, Waxaana xaalada sii adkeeyay kadib markii Maleeshiyaad Beesha Mareexaan ay Garoonka Diyaaradaha ku gooyeen Gadiidka si ayaan uga soo degay Guddiga Xaqiiqo raadinta.

Xubnaha Maamulka Magaalada Garbahaarey ayaa digniin adag u diray Shirkadaha Diyaaradaha, iyagoo ugu hanbajay iney talaabo adag ka qaadi doonaan Shirakadii soo qaada Guddiga Xaqiiqo raadinta Dowladda ee Doorashada, talaabadaan ayaa soo dedejisay iney Guddigaasi ka baaqsadaan iney tagaan magaalada Garbahaarey.

Mr.Rooble ayaa lagu wadaa inuu go’aan ka gaaro Arrinta degaan doorashada Magaalada Garbahaarey oo lagu waday in lagu qabto Xulashada 16-Xildhibaan, iyadoo ay u badan tahay in dib loo dhigo Kuraastaan oo Dowladda Cusub go’aan ay ka gaarto.

173840cookie-checkSidee Rooble u maareyn doonaa Damacyada is diidan ee Farmaajo & Madoobe?