Tafaasiil La Xiriirta Ganacsadaha Somalida Lagu Dilay Kenya

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Marxuum Bashiir Maxamed Maxamuud oo 13-kii Bishaan laga Afduubtay Magaalada Nairobi, iyadoo afduubkaasi la sheegay iney geysteen Kooxda Boliiska Kenya (fly-squad) iyo xubno ka tirsan Sirdoonka Kenya, kuwaasoo jir-dil ba’an u geystay Marxuumka inta aan la dilin..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Marxuumka loo dilay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo, Fahad iyo Uhuruu Kenyatta, iyadoo Sirdoonka Kenya ay ku eedeeyeen in Lacago Malaayiin US$ ah (Money laundry) looga soo xawili jiray Magaalada Mogadishu, waxaana la sii marsiin jiray Bangiyo ku yaal Ethiopia iyo Dalka South Sudan kadibna bangi ku yaal Nairobi, dibna loogu soo celin jiray Magaalada Mogadishu.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Marxuumka uu la dhashay Gabadha u dhaxda Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxeyna Sirdoonka Kenya ku tuhmeen inuu dhaqaalaha uu Fahad ka soo qaado bil walba Qadar (20-Millions US$) loo wareejin jiray Bangiyada kor ku xusan, kadibna Magaalada Mogadishu dib loogu soo celin jiray. Sidoo kale Marxuumka ayaa 6-mashruuc oo balaaran ka waday gudaha Kenya uu ku jiro guri dabaq ah 10-Biyaano ah oo isugu leeyahay yahay, Marxuumka ayaa 4-sano 300-kun Kala Yimid USA.

Sidoo kale Marxuumka ayaa Madax ka ahaa Shirkadda dayactirka ( Infinity Developers Limited), ku sameyneysa Xabsiga dhexe Ee Mogadishu kaasoo ay Dowladda Holland iyo EU-da ay ku maalgelinayaan dhaqaale dhan 16,713,091,80 US$, waxaana Shirkad ku ah Agaasimaha NISA iyo Madaxa Hey’adda qaabilsan Dhismaha Dowladda Bashiir Goobe.

Marxuumka ayaa sidoo kale Xiriir ganacsi la lahaa Madaxweyne kuxigeenka Kenya Mr.William Kipchirchir Samoei Arap Ruto, iyagoo mashaariic ka fuliyay degmada Kisumu ee Dalka Kenya, Marxuumka ayaa muddo 4-sano ka hor ka soo guuray Magaalada Ohio Ee Dalka Mareykanka wuxuu soo degay Magaalada Nairobi.

121390cookie-checkTafaasiil La Xiriirta Ganacsadaha Somalida Lagu Dilay Kenya