Maxkamada Ciidamada Ayaa 2-Dambiile ku fulisay Xukun Dil ah

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dalka ayaa saaka xukun dil toogasha ah ku fulisay laba askari oo bishii hore dilal ka geystay gobolada Banaadir iyo Sh.dhexe…

Wararka sheegay in Dambiile Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u Dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif ayaa laga oofiyay Xadkii Qasaasta ahaa ee ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Labadan Dembiile ee lagu Oofiyay xukunka ayaa maalin qura oo ah 10-kii January Sanadkan Xamarweyne iyo Balcad ku kala dilay Laba Muwaadin oo nolosha halgan ugu jiray, Midna Alaabta Yaryar ee Jukaatarada loo yaqaan ayuu Xamarweyne ku iibin jiray kan kale Bajaajle ayuu ahaa.

242680cookie-checkMaxkamada Ciidamada Ayaa 2-Dambiile ku fulisay Xukun Dil ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com