Tartanka Gudoomiyaha & Kuxigeenka Gudigga Doorashada ee Geer Federaal

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa Tartanka ololaha doorashada Gudoomiyaha Guddiga Doorashada heer Federaal oo 2-dii maalmood ee ugu dambeysa si xowli ah ku socday Magaalada Mogadishu gaar ahaa xarunta Guddiga iyo Hoteelka Decale, waxaana hawshaan isku garbinaya dhanka Madaxda ugu sarreeeya iyo kuwa Gobolada..

Tartanka Xilalka Gudoomiyaha & Kuxigeenka Guddiga Doorashada heer Federaal, kaasoo lagu wado in la qabto maalinta Sabtida, waxaana ugu cadcad iney xilkaasi qabtaan Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qareen Mowliid Mataan Salaad oo la filayay inuu isu sharaxo Guddomiyaha Guddiga, Cabdiwali Maxamed Qurux, Muuse Geelle Faroole, Cabdiraxiim Cabdicasiis (Xiirane) iyo Cabdi Xiis Udun.

Madaxtooyada ayaa wadata Cabdiwali Qurux, waxaase culeys ku haya Musharax Muuse Gelle Oo ay taageerayaan Xafiiska Wasiirka 1-aad iyo Dowlad goboleedka Puntland, halka Cabdiraxiim Cabdicasiis Xiirane oo Laftagareen gacan ka helaya, inkastoo Cabdiraxiim uu sidoo kale ku xiranyahay Ra’iisulwasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleyno ayaa sheegaya in tartamayaasha Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal lagu xiray inay bixiyaan $3000 oo diiwaangelin ah halka $2000 laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka.

162160cookie-checkTartanka Gudoomiyaha & Kuxigeenka Gudigga Doorashada ee Geer Federaal