Puntland Oo Fashilisay Qorshe Ay Wateen Farmaajo &..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe balaan Oo Dhalibayaro ka soo jeeda Goobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle loogu qoraayay Ciidamada Boliiska iyo kuwa Madaxtooyada Villa Somalia, Dhalinyaradaan oo tababaro la doonaayay in looga furo Dugsiga Tababarka Boliiska Carmo…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Qorshahaan ay Wada diyaariyeen Farmaajo, Fahad iyo Xijaar, iyadoo dufcada hore la sheegay in la diiwaangeliyay 100 Dhalinyaro ah oo kala soo kala jeeda Degaanada Laas-caanood, Buuhoodle iyo Badhan, la doonaayay in si qarsoodi ah loogu Tababaro Dugsiga Boliiska Carmo kadib loo soo qaado Magaalada Mogadishu si loogu biiriyo Ilaalada Madaxtooyada.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay iney ka war heleen Qorshaha, waxeyna xirxireen 27- ka mid ah Dhalinyaradaan oo lagu qabtay Magaalada Carmo, halka tiro kale la sheegay in lagu qabtay Magaalooyinka Lascaanood iyo Garoowe, iyagoo si dhuumaaleysi ah ku maarayay dibna loogu celiyay halkii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Boliiska Puntland ayaa la sheegay in laga soo wareejiyay Loona wareejiyay Kuwo Boliiska Magaalada Mogadishu, Dowladda Federaalka ayaa si joogto ah oo qarsoodi ah Dhalinyaro uga qorata Degaanada aka taliyaan Somaliland iyo Puntland.

146630cookie-checkPuntland Oo Fashilisay Qorshe Ay Wateen Farmaajo &..