Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Burburinta Maamulada

Somalia news

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa u muuqda mid go’aansaday inuu Canshuurta Shacbiga Soomaaliyeed laga qaado u adeegsado danihiisa siyaasadeed, wuxuuna dardar geliyay ololaha Dhanka ka ah Maamulada Puntland iyo Jubbaland, isagoo ugu baaqay qaar ka mid Dhalinyarada iney ka soo horjeestaan Maamulada…

Mr.Farmaajo oo muddo xileedkiisu maalmo ka harsan yihiin ayaa khadka Talefonka kula xiriiray Dhalinyaro lagu sheegay “Is-xil -qaamayaal” sida uu muujinaayo muqaal lagu faafiyay baraha Bulshada Ee Facebook-ga (hoose ka daawo).

https://www.facebook.com/falastin.ahmeddhore.1/videos/493548278282483/?

Wararka Ayaa sheegay in Dhalinyaradaan oo ku nool degaank Carmo oo ka tirsan Degmada Boosaso Ee Gobolka Bari (Puntland, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “ Waxaan jeclahay lahay inaan xiriir yeelano, waxaana jeclaan lahaa in qaarkiin aan Caasimadda isku aragno oo aad qeyb ka noqotaan dhaqdhaqaayada Dalka oo dhan ku baahay oo ay Dhalinyaradu wadaan”.

“Idiinka Shaqadiina qabta annagana qeybteena” Dalka u istaaga oo u midooba, insha alaah kuligeen Guul Ayaan wada gaari doonaan”. Mr.Farmaajo ayaa lagu Eedeeyay inuu ku mashquulay sidii uu u burburin lahaa Maamulada dhisan wuxuuna burburiyay 3-maamul isagoo xiligaan mashquul ku ah Burburinta Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

87380cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Burburinta Maamulada