Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Iney Ciidamada Beeleedyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaybtii ugu dambeysay ayaa laga soo dejiyay garoonka ciidamadii dhumalaysiga iyo habeenka madoow laga qori iyo Loo qaadi jiray Magaalada Asmara dalk Eritrea….

Xogtaan ayaa u Xaqiijisay Diinah.com news in Ciidamadan oo tiradoodu garayso ilaa 3000 oo askari ayaa Soo dhameystay tababarkii uga socday duleedka Asmara (Eritrea), waxaana la dejiyay Xarunta Madaxtooyada.

Ciidamadaan oo aan ka mid aheyn Kuwa Xoogga Dalka iyo Boliiska, balse ay hoos tagaan NISA, ayaa loogu talo galay in Loo adeegsado Caburinta iyo qaabka madax jebiska aya qorshahoodu noqon doona inay layaan ciidkasta oo lidi ku ah taliska farmaajo, iyadoo laga digay in Xiligaan kala guurka ah dhibaatooyin ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan Oo u badan kuwa laga soo uruuriyay Gobolada Sool, Sanaag,Gedo iyo Qeybo ka mid ah Galguduud ayaa loogu talo galay in Loo adeegsado iney difaacaan Maamulka muddo xileedkiisa dhamaadka yahay, iyagoo durbadiiba bilaabay Howlgalo gaar ah fulintooda.

43360cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Iney Ciidamada Beeleedyo