Eedeyn Loo Jeediyay Guddiyada Diyaarinta Doorashooyinka

Somalia news

Warbixin hordhaca ah oo aan helay ayaa sheegaysa in wax is dabamarin iyo beddel lagu sameeyay document-ga ka soo baxay Gudiga wada jirka  labada aqal ee loo xilsaaray dhammaystirka hannaanka doorashooyinka…..

Qof ka mid ah guddiga oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in 27 meelood laga beddelay document-ga, Documentiga saxda waxaa ku yaalay “ min seddex shaabadood, laakiin kan loo qaybiyay golaha shacabka wuxuu ahaa mid dib loo beddelay oo wax ka beddal ilaa 27 meelood ah lagu sameeyay” ayuu yiri masuulka iiwaramay.

Ilaha aan xogtan hoose ka helay ayaa ii sheegay in Ibraahim Isaaq Yarow lacag lagu siiyay sidii documentiga loo beddeli lahaa.
Golaha sare (senate) ayaa la filiyaa in uu barri soo saaro warqad lagu sheegayo musuqa lagu sameeyay documentiyaashii ay si wada jir ah usoo saareen guddiga isku dhafka ee dhammaystirka doorashayooyinka.

Soomaaliya waxaa dhaqan siyaasadeed ka noqday musaqa gala hay’adaha dowliga ah ee afka qalaad lagu yiraahdo (structural corruption), Arrintan oo keentay buuq ayaa waxaa isoo taraya culaysyada ka imanaya shacabka iyo maamul goboleedyada.

43320cookie-checkEedeyn Loo Jeediyay Guddiyada Diyaarinta Doorashooyinka