Naftii-Halige Isku Qarxiyay Xerada Turkish-Som

Somalia news

Wararka inaga soo gaaraya Xerada Turksom ee ku taallo wadada Jazeera duleedka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah….

Qaraxaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu fuliyay ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, islamarkaana isku dayay inuu dhex galo dhalinyaro loo qoraayay Ciidannimo.

Ciidamada joogay Koontaroolka Xerada Turksom, ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ruuxaan, kadibna rasaas ay ku fureen, balse ruuxii waxyaabaha Qarxa isku soo xiray ayaa ayaa isqarxiyay.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi Ismiidaaminta ayaa ah dhimashada naftii halige ah & dhaawaca Saddex dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyaradii loo qoraayay Ciidamada.

43390cookie-checkNaftii-Halige Isku Qarxiyay Xerada Turkish-Som