Ma Dhabaa in Dhaqaale Xumo Baahsan Darteed Maamulka Puntland uu Qorsheynaayo Kireynta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in dhawaan Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka ay ka dambeyso dhaqaale la’aanta baahsan ee Maamulka la halgamaayo kadib markii la jaray Kabkii Miisaaniyada iyo Mashaariicdii Horumarinta..

Wasiir Juxa ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhibaatada ka dhalan kara ka hor istaaga taageerada beesha caalamka ee Puntland ay horay ugu tiirsaneyd, Wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyay hoos u dhaca ku yimid fulinta mashaariicda Maamul Goboleedka.

”Intii lagu jiray loolan/dagaal siyaasadeedka, waxaa istaagay dhamaan mashaariiciidii lagu laga fulin lagaa degaanada Puntland, sababo la xiriira lacag la’aan, waxaa kaloo la jaray deeqdii-Dawo iyo Raashin ee Shacbiga qaarkiis loo fidin jiray, waxaa naga maqan waxyaabo muhiim ah oo xaq darro naga maqan, joojinta howlihii mashruuca waxaa qeyb ka ah khilaafka joogtada ah ee naga dhexeeya Dowladda Federaalka,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa si hoose u sheegay in Golaha Wasiirada Puntland ayaa la filayaa iney Maalinta Khamista ah Ka doodan In Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada Puntland in xafladaha aroosyada lagu qabsan karo (Ijaari) taasoo looga dan leeyahay In dakhliga ka soo xaroodo Miisaaniyada Puntland lagu Kabo, Duuruufaha jira ayaa ka dhashay culeysyo Maamulka ka Dagaal siyaasadeedka Diwladda Federaalka.

Iyadoo khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Federalka uu horseeday in laga jarto kabkii Miisaaniyada iyo Mashaariicda taasoo Maamulka Puntland ku riixday inuu kireeyo Hoolka, ku darsoo wuxuu Maamulka awoodi waayay in Biyaha iyo korontada Xafiisyada Maamulka isticmaalaan bixin waayo lagana jarto, waxaan laga cabsi qabaa in hadii aan xal loo helin dhibaatadaan taagan in Degaanada ay ku soo kordhi doonaan Isbaarooyin ay Xoogaga Amaanka baad ku qaadaan.

315990cookie-checkMa Dhabaa in Dhaqaale Xumo Baahsan Darteed Maamulka Puntland uu Qorsheynaayo Kireynta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com