Qarax Lagu Dhaawacay Xildhibaano Oo Ka Dhacay Jowhar

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayna ku dhaawacmeen Xildbibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan ayaa waxaa la la beegsaday 2-Xildhibaan loo xiligaasi maraayay wadada dhexmarta Bartmaha Magaalada Jowhar agagaarka Warshada Farjano, iyadoo Xildhibaannada qaraxa ku dhaawacmay Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Iidow Kheyre.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaruxu uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, isla markaana Xildhibaannada oo lugeeynaya kana soo baxay munaasabad lagu xusayay sanadguurada 5aad ee Hir-Shabeelle uu ku qarxay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Jowhar, waxaana wi ka hadlin laamaha Amniga Magaalada.

143830cookie-checkQarax Lagu Dhaawacay Xildhibaano Oo Ka Dhacay Jowhar