Share the post "Wada-hadalkii Farsamo ee Egypt & Somalia ee AUSSOM oo La Isla Meel Dhigay…"
Macluumaad ayaa laga helayaa Wada-hadalkii Farsamo ee Dowldaha Egypt iyo Somalia kuna aadanaa ka-qeybgalka Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AUSSOM) iyo ka taageerida howlgalka iyo dagaalka kooxaha Argagixisada lagu ciribtiraayo…
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay Somalia ka taageerto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan dadaallada lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada, Dowladda Federaalka ayaa si gaar ah u adkeysay muhiimadda ay leedahay kaalinta Masar ee xoojinta xasilloonida iyo amniga Dalka.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmay xilli Somalia ay dhawaan oggolaatay in Ethiopia ay kamid noqoto howlgalka nabad ilaalinta AUSSOM, Masar iyo Ethiopia waxaa ka dhaxeeya muran la xiriira biyaha webiga Niilka, wuxuuna sababi karaa in lagu xagal daaciyo habsami u socodka Howlgalkaan.