Wakiilada Beesha Caalamka Fariimo Adag U Gudbiyay Farmaajo

Somalia news

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo khadka Taleefoonka xalay kula xiriiray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ayaa u sheegay iney soo dhamaatay waqtigii Soomaalidu ay laheyd go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka, isla markaasna iska soo xaadiriyaan Teendhada Afisioni…

Safiirka Mareykanka Donald Yammamoto, ayaa u sheegay Farmaajo inaan loogu dulqaadan doonin caqabadaha uu ku wado go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, uuna ka waantoobo, sida ay ilo-dublamaasiyadeed ay u sheegeen Warsidaha Diinah.com news.

Danjire Yammamoto ayaa sheegay in Mareykanku uu go’aano aan la mahdin doonin iyo tilaabooyin adag uu ka qaadi doono, kuwa diidan gogasha Saaxiibada caalamka ay dhigeen Muqdisho, isagoona ugu baaqay in Farmaajo in isaga iyo xulufada ku xeeran ‘QoorQoor, Laftagareen & Guudlaawe’ ay soo xaadiraan Shirka Teendhada Afisyooni, ayna iyagu yihiin cida go’aaminaysa Heshiiska Doorasho ee Soomaalida iyo korjoogtada fulinta heshiiska.

Farmaajo ayaa sheegay inuu shir iclaamiyay muddo Lix jeer labo bilood gudahood, wuxuuna farta ku fiiqay iney diideen Maamulada Puntland iyo Jubbaland iney aqbalaan, wuxuuna ku eedeeyay iney iyagu yihiin cida hortaagneyd fulinta Heshiiska la gaaray 17-September.

103190cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Fariimo Adag U Gudbiyay Farmaajo