Jubbaland Oo Ka Digtay Abaabulka Colaadeed Ee Farmaajo

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa uga digtay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday inuu ka Waantoobo Abaabulka colaadeed iyo Hubka iyo uu ku daabulaayo Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo, xili Abaaro iyo Biyo La’aan ay degmooyin ka tirsan Gobolka ay ka taagan yihiin….

Qoraalka ayaa lagu sheegay in nasiib darro ay tahay in halkii Dowladda Federaalka ay doorkeeda ka geysan laheyd wax ka qabashada Abaarta iyo Biyo yarida ka jirta Gobolka ay ku sii daabusho Ciidamo, Hub iyo Gaadiid dagaal qorshaheeduna yahay sidii loo barakicin lahaa Shacbka tabaaleysan gargaarka u baahan.

Qoraalka ayaa lagu xusay in “Xili uu dalku galay marxalad kala guur ah oo muddo xileed loo igmaday Golayaasha Qaranka ay dhamaatay, ayuu Farmaajo sii wadaa colaad hurin iyo abaabul dagaal, iyadoo Jubbaland ay ugu baaqday Shacbiga Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Somalia iney ka hortagaan falalkaan Nabada wax u dhimaaya.

103130cookie-checkJubbaland Oo Ka Digtay Abaabulka Colaadeed Ee Farmaajo