Wakiilada Beesha Caalamka Oo Ka Tashanaaya Khilaafka Doorashada

Somalia news

Kadib markii dadaaladii iyo dhexdhexaadintii ay wadeen Wakiilada Beesha Caalamka oo horumar laga gaaray Shirkii Ka dhacay Magaalada Baydhabo, isla markaasna uu hakad galay Shirkii lagu waday in lagu saxiixo Heshiiska Doorashada, ayaa hadda la sugayaa in go’aan horey loogu Socdo oo dhinacyada la isku soo hor fariisiyo…

Dadaalada ayaa lagu wadaan iney dib u bilaawdaan, Waxaana lagu wadaa in Wakiilada Beesha Caalamka ay qaataan door dhexdhexaadinmo inkastoo qaarkood ay si cad ula safan yihiin Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday Ee Farmaajo, iyadoo uu fashilmay martiqaad uu Mr.Farmaajo u fidiyay Maamulada Puntland iyo Jubbaland 18-kii Bishii February, kadib markii ay shuruud ku xireen Damaanad qaad cad dalbadeen Xagga amaankooda iyo goob dhexdhexaad ah oo aan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uusan maamulin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa cadeeyay ineysan horfariisaneynin Farmaajo inta uu Madaxweyne sheeganaayo, waxeyna shuruud uga dhigeen iney Wakiilada Beesha Caalamka ay kaalinteeda qaadato iyadoo soo jeediyay Qodobada hoose ku xusan.

-Damaanad qaad buuxa la bixiyo fulinta natiijada ka soo baxa.

-In Shirku uu ka dhaco goob dhexdhexaad ah (Sida Xalane).

-In Shirka ay ka soo qeyb galaan Saamileyda Siyaasada, Hogaamiyayaasha Waqooyiga iyo Bulshada Rayidka.

Warar ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay uu soo jeediyeen Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil-gaarsinta inuu door hormuudnimo ka qaato, bacdamaa Lagu Fashilmay doorkii Hogaamineed Ee Farmaajo.

98490cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Ka Tashanaaya Khilaafka Doorashada