Wakiilada Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In Xaliyo Khilaafka Doorashada

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la xalliyo is mari waaga ka taagan Khilaafka ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo hirgelinta Hanaanka Doorashada, waxeyna sheegeen iney aad uga walaacsan yihiin Horumar La’aanta Heshiiskii 17-kii September oo ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah….

Waxaana loogu baaqay saamilayda siyaasadeed inay muujiyaan hoggaan Mas’uuliyadeed, iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta, loona marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Saaxiibada caalamka waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan, Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

86420cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In Xaliyo Khilaafka Doorashada