XOG: Horjooge Ka tirsanaa Shabaab & Maleeshiyaad Oo U Goostay Daacish-ta Somalia

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Horjooge ka tirsanaa Maleshiyaadka kooxda Shabaabka iyo tiroMaleeshiyaad aad u huneysan ayaa la xaqiijiyay iney ka goosteen kadibna ku biiray Maleeshiyaadka Kooxda daacishta Somalia, kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhex galay, taasoo horseeday inuu ku wareego kooxda kale…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyo ilo wardoon oo loo qaateen ah, Horjogaha ayaa lagu sheegay magaciisa Cabdulfatah Abubakar Cabdi oo loo yaqaano (alias Mousa al Muhajir), waxaana ku wehliyay goosashadiisa ku dhowaad 20 ka mid ah Maleeshiyaad aad u hubeysan, Horjogahaan ayaa lagu sheegay inuu caanka dhex ahaa kooxda dhexdeeda, balse lama garanayo sababta xilligaan kusoo beegtay inuu ku biirayo ururka Daacish.

Ilo wareedkaan ayaa sheegaya in Horjoogahaan inuu fadhigiisu ahaa degaanada bartamaha iyo Waqooyiga Somalia, waxaana la sheegayaa in ku biiristiisa Daacishta kadib markii uu muran ka dhex dhalisay taageerayaasha kooxda Daacish dhexdooda.

Ku biiritaankiisa Daacish ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan Daacish ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah maleshiyaadka Shabaabka ee degaanada buuraleeyda ee galgala iyo kuwa xeeran, Labada koox ayaa dagaallo xooggan ku dhexmareen buuralayda Gobolada Bari iyo Sanaag, halkaasoo ay ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi oo kasoo abaabulaan weerarada ka dhan ah maamul goboleedka Puntland.

86380cookie-checkXOG: Horjooge Ka tirsanaa Shabaab & Maleeshiyaad Oo U Goostay Daacish-ta Somalia