Wakiilada Beesha Caalamka Oo La Xiriiray Madaxda Gobolada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Wakiilada Beesha caalamku ay xiriireen Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,iyadoo ugudbisay aragtidooda ku aadan xalka Qodobada laysku hayo….

Wararka ayaa sheegay in Wakiilada Beesha caalamku waxay ka codsatay Hogaamiyayaasha in ay sii wataan Shirkooda soona saaraan go’aamo ay ku xalinayaan arimaha taagan.

Sidoo kale Beesha caalamku waxay ubalan qaaday Madaxdaas in ay taageerayaan heshiis walba oo ay gaaraan, Kulamada Dhuusamareeb way socdaan hada,waxayna ubadan tahay in wax kasoo baxaan.

Dhanka kale Wakiilada Beesha Caalamka Ayaa xiligaan Kulan kula leh Madaxweynaha muddo xileedkiisu saacadaha ka harsan yihiin, waxaana lagu wargeliyay inuusan caqabad ku noaqon Dadaalada lagu doonaayo in Dalka uu Doorasho dadban ka dhacdo.

92870cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo La Xiriiray Madaxda Gobolada