Wakiilada Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujiyay Doorashada

Somalia news

Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay madmadowga hareeyey hanaanka loo wajahayo doorashada Somalia, iyagoo qoraalkooda ugu baaqay In Doorashada wada ogol ah la qabto, waxaana qoraal ka loo diray dhinacyada ay khuseyso hir-gelinta doorashadan….

Qoraalka ayaa lagu xusay “Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah  iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho,” ayaa lagu yiri.

Beesha caalamka ayaa dalbatay in xal laga gaaro saddex qodob oo kale ah:

-Xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka.

-In xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo.

-Iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada.

73520cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujiyay Doorashada