Wakiilada UN-ka & Danjiraha USA Oo Ku Fashilmay Iney Kulankii Qabtaan

Somalia news

Waxaa Maalintii 2-aad taagan is-mari waaga Khilaafka Doorashada, iyadoo Shalay lagu waday inuu furmo Kulankaasi, hase yeeshee ay diideen iney Kulanka ka qeyb galaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Kulankaan ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wakiilka UN-ka iyo Danjiraha USA Ee Somalia….

Labadaan Shaqsi ee Mareykanka u dhashay ayaa lagu eedeeyaa ineysan daacad ka aheyn Xalinta Khilaafka Doorashada iyo qodobada kale, waxaana ka muuqday Teendhada Afisioni nidaamo darro, is barbar yaac iyo hab-maamuus la’aan, iyadoo ay oggolaadaan in Farmaajo iyo kooxdiisa ay Teendhada ku qabsadaan shir aan loo dhamayn oo aan qayb ka ahayn warbaahintana u gudbiyeen warar been abuur ah, kuwaasoo xaalada sii cusleeyay.

Waxey dhinaca kale ka wadaan dadaalo ku doonaayeen in la qabto Kulanka isla markaasna culeysyo ku saareen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Hadaba ma noqon sidii ay wax u qorsheeyeen, Xalay fiidkii ayuu Wakiilka UN-ka uu soo saaray Qoraal uu ku Sheegaayo in Kulan dhinac ay qabteen garab kaliyah, isagoo codsaday in wada tashiyada la sii wado.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Danjiraha USA Ee iyo Wakiilka UN-ka ay xiriiro la sameeyaan Villa Somalia, waxayna doonayaan in ka hor Shirka meel la isla dhigo Qodobada ay isku diidan yihiin, iyagoo culeys ku saaray Farmaajo inuu muujiyo tanaasulaad dheeraad ah oo ku aadan Xiisada Gobolka Gedo, dhacdadii 19-ka February iyo Adeegsiga Ciidamada oo lagu caburinaayo Shacbiga.

Ilo xogogaal ayaa Warsidaha Diinah.com news in maanta lagu wado in Danjiraha USA Ee Somalia uu is hor fadhiisiyo Farmaajo, Dani iyo Axmed Madoobe, iyadoo weli uu saluug ka jiro Amaanka Teendhada iyo xeyndaabka Afisioni oo ay Weli ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Farmaajo.

104080cookie-checkWakiilada UN-ka & Danjiraha USA Oo Ku Fashilmay Iney Kulankii Qabtaan