Janan Iyo Maleeshiyaad Beeshiisa Oo U Goostay Dhanka Farmaajo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wasiirkii Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo tiro Maleeshiyaad jufadiisa ah kuna Hubeysan 10-gadiidka Dagaalka ayaa u goostay kooxda Farmaajo….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Maalmihii ugu dambeeyay uu xiriir dhanka isgaarsiinta la lahaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ee Villa Somalia, iyadoo loo balanqaaday dhaqaale dhan 500-kun US$ ah iyo in loo magacaabaayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Janan dhawr jeer oo hore, ayuu Jubaland udaba maryeeyay, iyadoo Madaxweyne Axmed looga dig, Xiligaasi doorashada Madaxweyne Axmed wuxuuna isku dayay fashilin, isagoo dhaqaale ka helaya Xamar, Mar kale xiligii lagu xirayay Xamar waxuu ku guda jiray qorshe khiyaamo ka dhan ah Jubaland,balse markii dambe isagii la rogmatay, Haatana fakashadiisan waxba kama duwanaan doonyo isku dayadiisii hore ee khasaaraha ku dambeeyay.

104110cookie-checkJanan Iyo Maleeshiyaad Beeshiisa Oo U Goostay Dhanka Farmaajo