Wararka Ugu Dambeeyay Kulanka Teendhada Afisioni

Somalia news

Kulanka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo maalintii afaraad galay, ayaa Mas’uuliyiintaan waxey ka doodayaan saddexdii qodob ee u burburay shirarkii hore, iyadoo la soo warinayaa in is faham aan badneyn uu shirka ka muuqdo, madaxduna ay inta badan qodobada isku afgarteen inta aan ka aheyn arrinta Somaliland iyo Gobolka Gedo…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in 3-sii maalmood ee ui shirka socday waxay Madaxdu isu kala qeybiyeen ka doodista qodobadii saddexda ahaa sida arrintii Guddiyada doorasho, Gedo iyo arrintii Somaliland oo loo daayay in xubnaha labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay ka soo wada hadlaan, inkastoo shirkaas uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Wararka ayaa sheegaya Hogaaminta Rooble ee Kulanka uu ka muuqdo jilicsanaan iyo kaalin Hogaamineed La’aan, wuxuuna Weli wada tashiyo dhanka Taleefonada la leeyahay Farmaajo iyo Fahad, Iyadoo sidoo kale la sheegay Qorqor uu muujinaayo laba wajiileyn, halka Lafta gareen uu Villa Somalia ka amar qaato, Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu u wareegay Dhanka Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Farmaajo uu weli culeys iyo fara gelin ku hayo si aan natiijo looga gaarin Kulanka.

Ilaa maanta ayaa la filayaa in xal laga gaaro qidobadaasi, kaddibna la diyaariyo munaasabada weyn ee saxiixa heshiiska oo qorsheysan in la qabto maalinta khamiista, haddii aanay wax is bedelin, sidoo kale waxaa shalay Madaxda ay sii bilaabeen diyaarinta qabyo qoraalka war murtiyeedka.

120920cookie-checkWararka Ugu Dambeeyay Kulanka Teendhada Afisioni