Roobow Oo Loo Soo Wareejiyay Guri Ku Yaal Xeyndaabka Villa Somalia

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo diiday inaan magacooda xigano sababa amni awgeed ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in kadib Khilaafka Rooble & Farmaajo, lagu amray Yasin Faray inuu Mukhtar Robow laga wareejiyo guriga u ku xirnaa, kuna dhowaa Xarunta NISA, loona wareejiyo guri ku yaala agagaarka Villada..

Xogtaan ayaa sheegtay in Soo wareeginta Mukhtaar Roobow ee agagaarka Villa Somalia ay timid kadib markii Ciidamadii ilaalada ka hayay guriga ee Warran looga shakiyay iney xiriir la leeyihiin Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble, Wadaadkaan ayaa muddo ku dhowaad laba sano si sharci darro ah loogu hayaa xabsi guri, iyadoo xaaladiisa Caafimaad ay aad u liidato.

Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa hadda u muuqda kuwo xiligaan wajahaaya culeysyo Siyaasadeed iyo kuwo amni, kadib afduubkii iyo dilkii Sarkaaladii Ikraan Tahliil, talaabadaan oo ka dhalatay caro balaaran oo Shacbiga Soomaaliyeed ay cod dheer ugu baaqeen Dowladda Federaalka iney Ehelada Ikraan Ay helaan Cadaalad.

142420cookie-checkRoobow Oo Loo Soo Wareejiyay Guri Ku Yaal Xeyndaabka Villa Somalia