Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Baarista Dil-wadareedkii

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Baarista ugu horeysay ee dil-wadareedkii ay Ciidamada Dowlada ka geysteen degaanka Gololey Oo u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in guddiga Baarista Dilka bareerka ah ay heleen raadkii ugu horeeyay ee dil-wadareedka ka dhacay degaanka Gololleey oo lagu laayey 7-shaqaale caafimaad iyo qof rayid ah 27-kii May 2020.

Xuuraan laga helay Gudiga isku dhafka ah ee hormuudka ka ah baaritaanka ayaa qaarkood laga soo xigtay in kadib wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay (Marqaatiyaal) dadka degaanka lagu ogaaday in askartii afduubatay shaqaalihii xarunta MCH-ka degaanka Gololleey ay Gaari Caasi ah ka qafaasheen wadadda, kaasoo ay ku tageen degaanka, waxaana la helay Gaarigaasi iyo qofkii darawalka ka ahaa.

Gaariga iyo Darawalka ayaa la geeyay xarunta CID-da magaalada Muqdisho, si wareysiyo dheeraad ah looga yeesho, halkaasoo baaritaan ay guddiga ka wadaan, waxaana la sheegay in Maanta dib loogu celin doono degmada Balcad.

Waxaa Weli tuhun weyn ka taagan yahay in Qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada la eedeynaayo ay xubno ka yihiin taasoo suurto gal ka dhigeysa in Baaristaan aysan wax ka soo naasa caddaan doonin sidii kuwii hore oo kale.

39110cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Baarista Dil-wadareedkii