Shirkad Chines Ah Oo Qandaraas Lagu Siiyay Dekeda Hobyo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah oo la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa sheegaya in heshiis qarsoodi ah lagu la galay shirkadda China Merchants Port Holdings, Heshiiskaan ayaa waxaa garwadeen ka ah Dowladda Jabuuti, taasoo ku qancisay Mr.QorQoor inuu heshiis la galo Shirkadda Shiinaha si loogu dhiso dekedda Hobyo oo 30% ay lahaan doonto Dowladda Jabuuti….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Heshiiskaan ayaa sooshaac baxay kadib markii uu Mr. QorQoor uu ku tagay booqasha seddex maalmood qaadatay dalka Jabuuti, halkaasoo heshiiska qeybtiisii hore lagu kala saxiixday, waxaana maanta qeybtii harsaneyd lagu kala saxiixday magaalada Nairobi, sida ay sheegeen ilo xogogaal ah.

ilo wareedkaan ayaa intaasi raaciyay in magaalada Hobyo ay xligaan ku sugan yihiin Injineero iyo saraakiil ka socota Dowladda Jabuuti kuwaasoo u tagay magaalada Hobyo dekeda, si ay u soo qiimeeyaan isla maraasna laga diyaariyo daraasad la xiriirta qaabka ku haboon ee loo dhisi karo.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, UAE, Turkiga & Qatar ayaa lagu wadaa inay falcelin weyn ka sameeyaan heshiiskan. Waa markii ugu horreeysay oo shirkad China laga leeyahay heshiis la gasho maamul goboleed ka tirsan Somalia.

60460cookie-checkShirkad Chines Ah Oo Qandaraas Lagu Siiyay Dekeda Hobyo