Xisbigii Farmaajo Oo La Diiwaan Geliyay

Somalia news

Macluumaad hordhaca ayaa tilmaamaya in Xisbigii Farmaajo iyo Kheyre ay wada lahaayeen si rasmi ah maanta loo diiwaan-geliyey.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ee diiwaan gelinta Xisbiga Kooxda Villa Somalia, iyadoo laga guddoomay document-yada ka mid noqoshada Axsaabta siyaasadeed ee dalka.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maalmaha soo socda guddoonsiin doona Xisbiga dowladda shahaadada KMG ah ee lagu aqoonsado Xisbul-xaakimka Dowladda.

Waxaa xusid mudan, in aanay weli kala caddeyn mowqifka siyaasiga ee wadajirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee doorashada 2021, inkastoo Gudoomiye Kuxigeen Xisbiga Loo magacaabay Mr.Mahad Guuleed.

39080cookie-checkXisbigii Farmaajo Oo La Diiwaan Geliyay