Wararka hordhaca ah ee laga helay ilo ku dhow Saraakiisha Amaanka ee garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in lacagtii shalay Boliisku qabteen ay laheyd Haweeney Ganacsato ah oo lagu magacaabo Sabiriin C/qaadir Isaaq….
Ehelada Gabadhaan ayaa sheegay inay Kenya uga Ganacsato Dashboard, waxaana gabadha saaka soo gaartay Muqdisho, iyadoo hadda ku sugan Saldhigga Boliiska garoonka diyaaradaha, Waxaana su’aalo weydiinaya qeybta Baarista.
Haweeneydaan ayaa sheeganeysa in lacagteda ay dhameyd ilaa 1-million US$, halka lacagta shalay Boliiska soo bandhigeen ay qiyaas ahaan ay u muuqatay inta u dhaxeysa 150,000 Ilaa 300,000, inkastoo aanu sheegin cadadka lacagta ay qabteen.
Lacagta shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha waxaa waday nin ay gabadha u soo dhiibatau lacagta, waxaana baaritaankii shalay ciidamada ku sameeyeen ninka waday uu u sheegay inay leedahay gabar ganacsato, waxaana xiriir taleefan oo dhex maray gabadha iyo Boliiska laga codsaday inay la timaado cadeymaheeda.