Wakiilada B/Caalamka Oo Digniintii Ugu Damveysay U Jeedisay Farmaajo

Somalia news

Ilo xogogaal ah oo ku dhow Saraakiisha Safaaradaha Dowladaha daneeya Arrimaha Somalia ayaa laga soo xigtay in Kulankii xalay ay la qaateen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ayaa loo sheegay inuu kala doorto Teendhaduu ka tagay Ee Afisioni dib ugu laabto iyo inuu is-casilo….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Farmaajo xalay safarkiisa loo leexiyay Djibouti muddo kooban ay Saraakiil Reer galbeed ah kula kulmeen, isagoo gacanta loo geliyay Qoraal digniin kama dambeys ah, hadii uu ka dhego adeygo waxaa loo xaqiijiyay talaabooyin culus ay miiska saaran yihiin, Kadib markii kulankii Musharaxiintu uu fashilmay waxaa loo sheegay iney ku dhawaaqi doonaan Cunaqabateyn iyo xayiraado xagga safarada ah, isaga iyo 36-xubnood oo Maamulka ka tirsan.

Aqoonyahannada ku xeel Dheer Arrimaha Somalia (Prof.Kabire) ayaa sheegay in sida loola dhaqmay Farmaajo xalay iyo maalmihii u dambeeyay ayaa muujineysa iney ihaano ku tahay maqaamka iyo Sharafkii Madaxweyne Somalia balse isagaa sababay kadib markii uu doortay muddo Kordhinta 2-sano oo sharci darro ah.

112290cookie-checkWakiilada B/Caalamka Oo Digniintii Ugu Damveysay U Jeedisay Farmaajo