Villa Somalia Oo Carqaladeyn Ku Haysa Heshiiska Amni Ee Galmudug & Puntland

Somalia news

Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa la sheegay inuu diyaariyay qorshe lagu siyaasadeynaayo Heshiiska Amni ay kala saxiixdeen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, Heshiiskaan ayaa wada saxiixay Wasiirada Amniga ee labada Dowlad goboleed…

Wuxuuna salka ku hayaa sidii la iskagakaashan lahaa dhinacyada Amniga, Xog-isshaafsiga, iyo howlgalada Wadajirka ah Ee kooxaha argagixisada Shababka, Heshiiskaan ayaan saameyn ku laheyn heer federaal iyo xiriirka labada Maamul.

Hase yeeshee Farmaajo iyo Adeege Fahad oo xeerinaaya dano Siyaasadeed ayaa la sheegay iney ku lug leeyihiin olole dhan ka ah Heshiiskaan kaasoo ay bilaabeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug (Falagle) oo naqdiyay Heshiiska eedeyn loo soo dhiibayna hawada u mariyay Maamulka Puntland.

Farmaajo oo wajahaaya cadaadis gudaha iyo Dibeda kadib markii uu si sharci darro ah u kordhistay (2-sano) muddo xileedka, ayaa hadda u istaagay sidii uu u wiiqi lahaa Heshiiska u adeegaya Bulshada labada Maamul, wuxuuna kicin ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo si loo naqdiyo Heshiiska.

112350cookie-checkVilla Somalia Oo Carqaladeyn Ku Haysa Heshiiska Amni Ee Galmudug & Puntland