Warbixin la Xiriirta Xubin Ka Tirsan Guddiyada Doorashada Khilaafka Keenay

Somalia news

Cabdinaasir Guuleed oo Xubin ka ah Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay wuxuu ka soo jeedaa gobolka Hiiraan, waloow uusan xiriir la lahayn qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka. dabyaaqadii September ayaa soo jeedin ka timid agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed, aqbalaadna Ku xoojiyay Agaasimaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin, Waxaana Mr.Farmaajo uu go’aansaday inuu ka mid noqdo Guddiyada Doorashada Heer Federaal…..

  • Heerkiisa waxbarasho:

Cabdinaasir, ayaa la sheegay inuusan soo marin Dugsiyada h/dhexe, balse wuxuu bartay lugadda Englishka isaga ka baxay dugsiyada gaarka ah ee Private-ka loo yaqaanno, guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay waxa ay baahiyeen inuu heysto shahaado jaamacadeed oo dhanka saxaafadda ah, balse baarista la sameeyay ayaan lagu xaqiijin karin sheegashada Waxbarashada.

  • Khibraddiisa shaqo:

Cabdinasir waxa uu ka soo shaqeeyay warbaahinta gudaha sanadihii 2005-2011 sida GBC iyo radio Shabelle, wuxuu tifaftire ka noqday website-ka Sunnatimes ee afka English-ka lagu qoro, isagoo xaruntiisu ahayd Muqdisho, Waxaa la sheegay inuu si madaxbannaan sawirrada uga iibsan jiray wakaalado warar oo ajnabi ah laga billaabo sanadkii 2011.

Sidoo kale wuxuu wararka dhacdooyinka Somalia ka iibsan jiray walaakadda wararka laga leeyahay dalka Mareykanka ee APress laga soo billaabo 2011,

  • Xiriirkiisa Nabad Iyo Nolol:

2016 Mr.Guuleed wuxuu kamid noqday kaadiriintii hoose Ee olelaha Farmaajo, waana markaasi xiliga uu xiriirkooda soo billowday isagoo si dhow ula shaqeynayay Agaasimaha NISA oo xilligaas hoggaamiyay olelaha Farmaajo.

Isagoo u xilsaarnaa inuu ka caawiyo diyaarinta nuxur warbaahineed oo Englsih ku qoran, oo qaarkiis lagu baahiyay wakaaladda uu ka howlgalayay, qaarna si dadban loogu dusinayay warbaahin kale oo caalami ah.

2017 Waxa uu kamid noqday shaqaalaha aan joogtada ahayn ee madaxtooyada, isaga oo sii waday isla shaqadii uu ka hayay olelaha doorashada, wuxuuna si dhow ula shaqeynayay Agaasimaha warbaahinta Villa Soomaaliya xilligaas Cabdinuur Maxamed Axmed, haddana ka mid ah Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay.

2018 xilli ay xaruntiisu ahayd Uganda ayaa gebi ahaanba lagu wareejiyay Baraha bulsahda qeybta English-ka ee taageerta madaxeeyne Farmaajo, dhaliishana mucaaradka. Guuleed waxa ay masuuliyaddiisu ahayd diyaarinta qoraallada Twitter-ka oo loo qeybin jiray shaqaalaha baraha bulshada ee maaxtooyadu shaqaaleysay.

86480cookie-checkWarbixin la Xiriirta Xubin Ka Tirsan Guddiyada Doorashada Khilaafka Keenay