Share the post "Wasaarada Kaluumeysiga Oo Digniino u Dirtay Maraakiibta Jiraafka ka wada Xeebaha Dalka…"
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa digniin ugu dirtay dhamaan shirkadaha kalluumeysiga & Milkiilayaasha Maraakiibta, iyadoo ku amartay in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga Kaluumeysiga Federaalka Somalia…
Qoraalka ayeey (Wasaaradu) ku sheegtay iney tallaabo ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga ee Xeebaha Dalka, “Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariimada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada.

Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan shirkadaha kalluumaysiga iyo Milkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga Kalluumaysiga, Maraakiib badan oo jarriif ah ayaa si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Somalia.