Rooble Oo Shaqada Ka Joojiyay Wasiirka Arrimaha Dibeda

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowlada xil gaarsiinta ayaa shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Cabdisaciid Muuse Cali kadib markii uu fasaxay 21-kii bishaan Markab dhuxul u siday Dalka Cumaan, talaabadaan oo burineysa Go’aankii lagu joojiyay dhoofinta dhuxusha…

Mr.Rooble ayaa eedeyn culus u jeediyey Wasiirkiisa arrimaha dibadda, waxaana eedaha loo jeediyey ka mid ahaa ku takrifal awoodeed iyo dhaqaale uu qaata, “Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu faray Hantidhowraha Qaranka iyo Hey’addaaha Amniga inay baaris dheeraad ku sameeyan falka uu sameeyey Wasiirka, isla markaasna laga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

190540cookie-checkRooble Oo Shaqada Ka Joojiyay Wasiirka Arrimaha Dibeda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com