Wasiir Dibadeedka Turkiga Oo ka Hadlay Xisaadaha Coladeed ee Somalia & Ethiopia..

Africa News Somalia news World

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Turkiga Mr.Hakan Fidan oo ka hadlayey Shirka Turkiga iyo Afrika ee ka socda Dalka Djibouti ayaa sheegay in Siyaasadda Turkiga ee Afrika ay tahay mid dhamaystiran, isla markaana siyaasaddu aanay ka koobnayn oo keliya dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka, Waxbarashada, Bulshada, iyo Caafimaadka, balse ay ku jirto iskaashiga Amniga iyo dadaallada Nabadda iyo Xasilloonida…

Mr.Hakan syaa sheegay, “Anaga, Turkiga ahaan, waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u soo afjarno colaadaha ka jira gobollada aan xiriirka la leenahay,” wyxuuna u sheegay Wariyeyaasha shir jaraa’id oo wadajir u qabteen shirweynihii saddexaad ee dib-u-eegista Wasiirrada ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Fidan oo sheegay in hanaankan ay Ankara soo bandhigtay si loo qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan Ethiopia iyo Somalia, isla markaana heshiis lagu dhameeyo khilaafka, wuxuu yiri: “Laga soo bilaabo bishii Luulyo, saddex kulan ayaan la yeelanay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal (Ethiopia iyo Somalia), Hadda waxaan leenahay aragti horumarsan iyo qaab dhismeed, waxaanan ku dadaaleynaa in lagu waafajiyo baahiyaha,” ayuu raaciyay.

Fidan ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid taariikhi ah iyo mid casri ah, isagoo ku nuux-nuuxsatay in labada mas’uul looga baahan yahay inay ka gudbaan culeysyada ka imaanaya xilliyadii hore, ayna qaataan go’aanno ku saleysan duruufaha jira,  “Markaan u dhaadhacno nuxurka arrinka, waxaa loo baahan yahay in la aqoonsado madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, dhinaca kale Ethiopia waxay u baahan tahay inay galaangal u yeelato badda si looga ganacsado iyadoo loo marayo hab nabadeed.”

348610cookie-checkWasiir Dibadeedka Turkiga Oo ka Hadlay Xisaadaha Coladeed ee Somalia & Ethiopia..