Haweeney Loo Xiray Howlo Sirdoon Oo Shirkad Somali Ah Ku Lug Yeelatay

World

Baarayaasha Boliiska Talyaaniga ayaa Gacanta ku dhigay Haweeney u dhalatay Dalkaasi, kadib markii Lagu Eedeeyay iney dhaqaale buuran si khiyaano ah uga dhacday Maamulka Katooliga Ee Vaticano Ee Magaalada Rome…..

Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Cecilia Marogna oo 39-sano jir ah, ayaa Baadari awood ku leh Vatican-ka ku siiyay Qandaraas si ay howlo Sirdoon uga fuliso Wadamada Bariga Afrika, iyadoo kaashaneysa Shirkaddo aan la magacaabin oo Somalia ka dhisan, waxeyna Haweeneydaan la sheegay in dhaqaalahaasi ay si iskeed ah inta badan u isticmaashay sida laga xaqiijiyay Xisaabaadka ay ku leedahay Bangiyada Takyaaniga.

Mrs.Cecilia ayaa la sheegay iney xiriir toos ah la laheyd Baadari xil sare ka haya Dowlada Vatican-ka laguna magacaabo Cardinal Giovanni Angelo Becciu, kaasoo ku dhisnaa sidii kooxaha argagixisada looga badbaadin lahaa Dhismayaasha Kaniisadaha, isla markaasna xogo sugan looga keeni lahaa Kooxahaasi.

Mrs.Marogna ayaa la sheegay in dhaqaale dhan 500-Kun Euro Loogu shubay account ay ku leedahay Dalka Slovenia, waxaana baarista Kiiskaan gacanta ku haya Boliiska Talyaaniga, iyadoo Cardinal Becciu oo kuxigeenka 1-aad Ee qeybta Arrimaha Dibeda Vatican-ka uu ka ahaa, ayaa iska casilay Xilkaasi kadib markii Gabadhaan lagu qabtay Magaalada Milano.

67550cookie-checkHaweeney Loo Xiray Howlo Sirdoon Oo Shirkad Somali Ah Ku Lug Yeelatay