Wasiir Janan Oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo..

Politics

Wasiirka Amniga ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mr.Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), ayaa Dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, kadib markii uu muddo ku sugnaa Dhulka xadka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Somalia…

Wasiir Janan Oo shalay safar dhulka ah kaga soo ambabaxay Magaalada Mandheera, inkastoo aan la caddeyn halka uu mudooyinkaan ku sugnaa, wallow Wararka Maamulka Farmaajo ay baafiyeen ay ku sheegeen inuu ku sugnaa xarunta Ciidamada Cirka ee duleedka Magaalada Mandheera, balse Wararka kale ayaa sheegaya inuu guri ka kireystay qeybo ka mid ah inta u dhaxeysa Magaalooyinka B/Xaawo iyo Mandheera.

Talaabadaan uu Wasiir Janan kaga soo hayaamay Magaalada Mandheera ayaa ku soo aaday xili Danjirayaasha USA ee Muqdisho iyo Nairobi ay wadaan dadaalo ay ku heshiisiinayaan Kenya iyo Somalia, iyadoo la isku balansaday in lagu kulmo Magaalada Nairobi.

Maamulka Villa Somalia ayaa doondoonaya Wasiir Janan, iyagoo ku eedeeyay dembiyo culus inkastoo ay ka gaabiyeen mudada u u xirnaa iney Sharciga horkeenaan, wuxuuna talaabadaasi ku tilmaamay “mid siyaasadeysan” oo sumcadiisa wax loogu dhimaayo.

Maamulka Jubbaland iyo Kan Villa Somalia ayaa laheyn xiriir iskaashi oo ka dhaxeeya oo wanaagsan, waxaana lagu Eedeeyay Maamulka Farmaajo inuu diiday wada hadal iyo in xiisado lagu dhameeyo isu tanaasul, isagoo Ciidamadii loo tababaray la dagaalanka argagixisada u weeciyay inuu u adeegsado iney ka qeyb qaataan dagaalo beeleedyo uu ka huriyay 3-degmo ee Doolow,Luuq iyo B/Xaawo.

21240cookie-checkWasiir Janan Oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo..