Wasiir Safar Ku Tagay Hargeysa

Somalia news

Waxaa maanta oo Sabti ah Magaalada Hargeysa gaarey wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda wadanka Malawi, Eisenhower Mkaka, si dhab ah Loma oga ujeedka socdaalka Wasiirka, iyadoo aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan booqashadda, taasoo kusoo beegmaysa xili dhawaan Uhuru Nairobi heshiis kula galay Muuse Biixi….

Heshiiska ayaa ku saabsan inay Kenya Qunsuliyad ka furato Hargeysa, halka Somaliland xafiiska ay ku leedahay Nairobi loo bedelayo Qunsuliyad, waxaana tallaabadan ka careysiisay dowladda Soomaaliya.

Horey Jabuuti iyo Ethiopia ayaa qunsuliyado uga furtay Hargeysa, iyadoo hadda Kenya kusoo biirtay, waxaana la ogeyn in Malawi ay doonayso tallaabadaas oo kale inay qaadi doonto.

Waxay dowladda Somalia xiriirka ugu jartay Kenya iyo  Gini (Guinea) kadib markii ay maamuus Madaxweyne dal madaxbanaan ugu sameeyeen caasimadahooda.

Ma Kula Tahay In Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu Dalka U Horseedaayo Burbur siyaasadeed iyo Kala Foogaasho Africa ah!!??.

80150cookie-checkWasiir Safar Ku Tagay Hargeysa