Is-rasaaseyn U Dhaxeysa Suufiyada & Galmudug Oo Ka Socota Duleedka Dhuusa mareeb

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn goos-goosah oo u dhaxeysa Xoogaga Suufiyada iyo Kuwa ka tirsan Maamulka Galmudug, inkastoo la sheegay ineysan sidaas u xoog badneyn, waxaana la sheegay in Maamulka Qorqor uu duulaan qaaday…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in is-rasaaseyntani ay ka socoto degaanka Bohol oo degmada Dhuusa mareeb kaga aadan Waqooyiga, Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada Galmudug iyo kuwa Federaalka ay ku dhowaadeen Dhufeysyada Xoogaga Hubeysan ee Suufiyada.

Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Guricel ayaa ka dhex bilaabay waan waan si aan maatada loogu kor dagaalimin, waxaana la sheegay in Odayaasha ay culeys ku saareen Hogaamiyayaasha Suufiyada iney joojiyaan abaabulka iyo hub uruursiga isla markaasna ku joogaan degaanka Nabad.

Xogaha laga helaayo degaanka Bohol ayaa sheegaya in Sarkaal lagu magacaabo Mascuud oo wata 15-gaadiidka Dagaalka ayaa xiligaan ku sugan duleedka tuulada, waxeyna doonayaan iney weeraraan Xoogaga Hubeysan ee Suufiyada uu hormuudka u yahay Shaakir.

143100cookie-checkIs-rasaaseyn U Dhaxeysa Suufiyada & Galmudug Oo Ka Socota Duleedka Dhuusa mareeb