Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka uu ka fekeraayo sidii uu Xilalka uga xayuubin lahaa tiro Wasiiro ah iyo Saraakiil ka tirsan Boliiska, Xoogga Dalka iyo Nabadsugida, kuwaasoo ka muquurtay iney fuliyaan Amaradiisa…
Xogtaan ayaa sheegtay in Wasiiradaan iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa lagu eedeeyay iney toos uga amar qaataan Villa Somalia, iyadoo Xubnahaan qaarkood la sheegay in xil ka qaadistooda dib loo dhigay todobaadkii tagay.
Wasiirada ay seeftu saaran tahay Ee lagu wado in Xilalka laga qaado ayaa waxaa ka mid ah:-
-Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan
Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Beyle oo lagu Eedeeyay inuu iska dhego tiray Awaamiirta Ra’iisalwasaaraha.
-Farxaan Qaroole Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir iyo tiro kale oo Saraakiil ah kuwaasoo diiday iney u Hogaan samsam Amarada Rooble.